Barnaamijkan Waxaa soo diyaariyey iskuna soo dubariday isla markaana daadihinaya Qoraaga iyo Tifaftiraha sarre ee Abdirasaaq Hammaal, dhamaan hawl wadeenadda Shabakadan Caalamigga ah ee Camuudnews wey u mahad celinayaan hawsha balaadhan ee uu qabtey waana ay ku garab taagan yihiin.
Waxaan ka cudur daaraneynaa in Barnaamijkan aan ku xusi weyno halkii ay ku dambeysey Arrintan iyo dhacdadan murugada leh waayo waxaan xukunkeeda iyo aragtideeda u dhaafney dhamaan dadka Reer Awdal gudo iyo dibadba inta garaadkoodu fayow yahay, si kastaba ha ahaatee dhacdadani waa mid aan la iloobi doonin waana mid xusuusta dareenkeedu leeyahay murugo iyo xanuun gaar ah.
Barnaamijkan ayaa qaab dhismeedkiisu yahay mid ku dul qotoma siddii ay wax u dhaceen oo kaliya iyo qaabka arrintan markii ay qoyaneyd loo meelmariyey, mar labaad waxaan leenahay wixii xukun iyo xal ah ee ku sahabsan halkii ay dhacdadani ku dambeysey waa mid aan u dhaafney Bulshadda Reer Awdal iyo Boqoradda u taliya.
Camuudnews Waa Shabakada kaliya ee u taagan in ay qaab Saxaafadeed ugu hiiliso dadkeeda iyo degaankeeda waxaanan dhageystayaasha iyo Akhristayaasha sharafta badan ee sidda tooska ugu xidhan aan leenahay Camuudnews.com ku soo bandhig dareenkaaga iyo duruusta aad dadkaaga ugu faa,iideyneyso.
Guntii iyo Gab gabadiina Barnaamijkii aan ku xuseyney xuska sanad guuradda koowaad ee ka soo wareegtey xasuuqii 11/7 Dhageysi Haboon.
Camuudnews Center
333` have viewed this post so far
xaq u dirir awdali
July 10, 2010 at 6:56 pm
markahore waxaan aad u salaamayaa bahda cam,uudnews gaar ahaan wariye c/risaq xammaal oo barnaamij fiican soo gudbiyey waxaan la dhacey qaabka uu sheekada u sameeyey ee uu riwaayadh uuga dhigey hambalyo baan leenahay, dhacdadaas waankaxumey samaron waa dad seexdey tan tu ka daran baa soosocta hadaan hurdada laga kicina dhamaanteen waau ayaan daro tolkey ha baraarugo ragiisaa bilaasha ka lagu laayeyna ha u sooaaro waliba rag u dhigma ayaan rabnaa.
wa bilaahi tawfiid
ahmed
July 10, 2010 at 7:12 pm
walee c/risaaq hamaal si fiicana ayaad uso diyaarisey waxa iga yaabiyey waa sida aad usoo duubtey waad isku soo hagaajisey heesihii iyo nuxurkii ay wateen aad baad u fiicn tahay madaama dadkii ayaad xasuusisey wixii laga galay lakin reer awdal boodboodkii wuxuu ka ahaa uun laba cisho intii hore markey boodboodeen wey iska fadhiisteen
ahmed
July 10, 2010 at 7:20 pm
Play Audio Comment
mustafe
July 10, 2010 at 7:27 pm
barnaamijkan in badan ayaan sugeyney aad iyo aad ayaanan ula dhacney barnaamijkan aad noo soo diyaarisey mr abdirsaaq walee anigu hadaan idaacad leeyahay adiga ayaa ugu horeyn lahaa ninka ugu horeeya ee aan a shaqaalaysiin lahaa ilaa websiteka harowo markaad kusoo qori jirte in badan waad jecleyd inaad dadkaaga reer awdal baraarujiso balse ila imika lama hayo cid baraarugtey oo arinkaa ka damqadey adiga uunbaawali ku hayaa cid ka damqatey ad iyo ad ayaanad ugu maahdsan taha asc
qarqiye
July 11, 2010 at 7:26 am
waxaan ku talin lahaa arintan cabdirasaaq xamaal keenay inay munaasib tahay waxaanan ku talin lahaa dhamaan dadwaynaha reer awdal min dila ilaa saylac in maalin kasta oo ay maalintan ku beegantahay shan daqiiqo oo aamus ah lagu xuso maalintii madoobayd ee ina soo martay lana helo geesiyaal abaara dadkii falkan gaystay oo naftooda u hura in ay gacmahooda ku soo qabtaan dad qalatadii maxkamadna ku soo taagaan magaalada saylac ee taariikhda samaroon ku duugantahay xagaana lagu daldalo maalin ku beegan maalintii falkan ay gaysteen waxaan kale oo aan ku talin lahaa in commentiga meel kasta oo warbaahinteena ah iyo tan somalida ahba lagu qoro mahdsanidin
[kaltura-widget entryid="1_1v46sv2o" size="comments" /]
ayatulah
July 11, 2010 at 7:46 am
wlahi c/risaq nin jira jirina dona horta intas iyo inka badanba wankaga fadhiyay c/risaqow encouragement kana hakadalin bro, xasuq sida u dhacay wali lama arag
ila hada waxsiya magaranayo tolken hurdada ayu dheraystay waxalasugayana garanmayo.lkn wlahi hadan hurdada degdeg loga kicin tu ka daran ti ba kusoo socota oo ugarankaro qofki caqli fayow marka aad u eegto xalada isbadashay.
waad mahadsantihin
ayatullah
July 11, 2010 at 7:56 am
walhi c/risaq ninjira jiridona horta personally inta iyo inka badan ban kaga fadhiyay
encouragement kana haka dalin bro ayan ku leyahay,horta magaranayo waxa siya ila hada waala iska seexday oobarkinta la dheraystay waxa lasugyana gaanmayo
lkn wlahi hadi hurdada si degdega loga tosin waxan arka tu kadan tan oo soo socota oo u arki karo qofka caqliga fayow.
wad mahadsan tihin
midnimo
July 11, 2010 at 8:37 am
WALAALAYAAL SALAAM KADIB
HADAL XAAN MA BUUXSHO
DHIIG DHIIG BAA LA TUSAA
NABAAD NABAAD BAA LA TUSAA
liibaan awaleh libaan
July 11, 2010 at 1:32 pm
waxan halkan kaxcusaa the day remember oo ah maalin lama ilowana waxanan tacsi uga dirayaa ehelkii afarta geesikadhinteen waxan dareen kusiinayaa dareen damqsho oo walaltimnmo iyo islanimo waxanan ilahay uga barayaa inay afaraasi janada kuwaran kuwii dilayna cadaabta dagdag u galaan amaiin amaiin
faafan
July 11, 2010 at 2:13 pm
waleeeeeeee waa wax aad loogu farxo sida aad dadkan seexday wax u dareesiisay iyo inayna sheekada salaadiinta iyo kuwa kalee arin ka go aayi ayna u dhaafsiisnayn ruwaayad iyo doqoniimada ay isla ag fadhiyaan
waxaan C/risaaq iyo faciisaba u sheegayaa in iyaga looga fadhiyo siday u badali lahaayeen eey dadkooda wax ugu baraarujin lahaayeen
waad mahadsatihiin intaa iyo in kabadan ba waan idiika fadhinaa iyo dhamaanteenba
waayo far kaliyii fool ma dhaqdo
thanks.
BUCUL FARIID
July 11, 2010 at 5:55 pm
asc,, waad mahadsanatahay c,risaq waana barnaamij aad u tiiraanyo leh waana taariikh aad u madaw oo lama ilaawaan ah laakiin dadka reer awdal ay iyagu, yihiin kuwa iska dhigay adhi meel ama beer aad u wanaagsan ama deegaan daruuro leh aad loo daajinayo una qoolan saylada gasaarka,,, lax walba halka ay is dhigtaa lagu qoor gooyaa ama lagu qalaa,,, taasi waa taaa , hadaan u soo laabto barnaamijkan waxaaad dhextaal br uga dhigi lahayd maalintii u horaysay ama labaad marka aad ka hadalay aayado qur,aan ah oo aad ku matalayso inay thay tacsidii laga daaray aqaladii mrxuumiinta ama dhamaanba gobolka ,, ta labaad haday suldanadu sidaa yeeleen maxaa u yaal dhalinta ku abuuran adal?
Muhiyadin X Ibrahim
July 12, 2010 at 12:39 am
C risaaq aad iyo aad ayan ku salamayaa sxb anigoo ka mid ah bahda camuudnews run ahaantii aad iyo aad ayuu ii taaabtay barnaamijkan waxanad xaqiijisay runtii aad iyo aad ugu faraxsan ahay sxb xalkaas ka wad waxanan iloobayna dadkii sidii xaqdarada lagu layey ,