Qoraalo ka hadlaya qaar ka mid ah cudurada dadka ku dhaca oo Af Soomaali ku qoran oo uu soo diyaariyay Dr. Mohamed Ibraahin hoos ka eeg.

Waa maxay Gastric, Ulcers, Hernia? Maxaase keena cudurada ku dhaca Qanjirka qoorta, Xameytida iyo Qabsinka? By Dr. Mohamed Ibrahin.
Fiiro gaar ah: Qoraalada hoose waxay ku qoran yihiin PDF, marka si aad u furato una akhrisato waxaad u baahan tahay in aad soo degsato (download) ADOPE READER oo aad ku heleyso si bilaash ah (free download.)
Duruusta uu Dr. Mohamed Ibrahin soo diyaariyay waa kuwaan hoose:
____________________________________________________________________________________
Dr. Maxamed Ibrahim waxuu ku dhashay magaalada Beletweyne ee gobolka Hiiraan, waxuuna wax barashadiisa Dugsiga Sare kaga soo baxay Iskuulka Cusmaan Geedi Raage oo ku yaala xaafada Howl-wadaag ee Muqdisho.

Sanadkii uu kasoo qalanjebiyey dugsiga sare ee 1988 ayuu shaqo ka bilaabay safaarada Maraykanka ee Muqdisho halkaas oo uu la shaqeeyey qaybta Qunsuliyada.
Nasiibdaro laba sano kadib waxaa dhacay dagaalkii ba’aa ee wadankeena ku hoobtay. Sida dadka badanba ku dhacday waxuu qaxooti ahaan usoo galay wadanka Kenya. Mudo kadib waxuu usii haajiray wadanka Sacuudiga halkaa oo uu la shaqaynayey shirkado ganacsi ah illaa labasano. Isagoo u hanqal weynaa waxbarashada qaasatan tan caafimaadka ayaa waxaa usuurto gashay in uu Maraykanka usoo guuro kadib markii safaarada Maraykanka ee Kenya ay bilowday in ay dib u dajin siiso shaqaalihii u shaqayn jiray safaarada Maraykanka ee Somalia.
Dr. Mohamed Ibrahim waxuu kusoo dagay magaalada Washington DC sanadkii 1994 halkaa oo uu kasoo bilaabay waxbarasha meel hoose. Waxuu ku bilaabay tababarka kalkaaliye nurse (Medical Assistant) midaa oo uu shaqo kaga bilaabay Dialysis Technician. Isagoo shaqadiisa wata ayuu waxuu bilaabay inuu daruus ka qaato kuliyad xaafadeedka Prince George’s Community College oo Washington DC hareeraheeda ku taal, halkaas oo uu ugu danbeyntii kasoo qaatay shahaadada Associate in Nursing sedex sano kadib.
Isagoo marwalba u hanqal taagaya in uu aado kuliyada caafimaadka ayuu sii watay waxbarashadiisa. Waxuu shahaado heer jaamacad ka bilaabay Kennesaw State University oo ku taal agagaarka Atlanta sanadkii 1999. Isla sanadkaa ayuu sidoo kale aqal galay oo hoy xaasleed yeeshay.

Dr. Mohamed Ibrahim waxaa u suurto gashay in uu dhameeyo Jaamacadaas isla markaana howlgal ka sameeyo iskudiyaarinta iyo wax ka qabadkii gelitaanka kuliyada caafimaadka. Howl galkaa kadib, waxaa uu ku guuleystay in uu helo dhowr jaamacadaha caafimaad oo ku kala yaal gobolo kala duwan. Waxuu doortay in uu aqbalo Jaamacada University of Minnesota Medical School oo scholarship yar ku tabarucday. Waxuu bilaabay kuliyada caafimaadka sanadkii 2001.
Afarsano kadib waxuu kasoo qalin jabiyey kuliyada caafimaadka isagoo ahaa qofkii koowaad oo Somali ah ee kuliyadaa kasoo qalin jabiya, balse waxaa usii dheereyd intaa isagoo kusoo qalin jabiyey darajadii ugu sareysa. Jaraa’id yada kasoo baxa magaalada Minneapolis ayaa waxay ka qoreen dhowr qoraalo oo arintan ku wajahan.
Sidoo kale waxuu noqday qofkii Somaliyeed ee ugu horeeyey ee ka bilaabo taqasus qaliinkaa guud (General Surgery). Waxuu tabarka qaliinka guud kaga soo baxay cusbitaalka weyn ee Hennepin County Medical Center oo la shaqeeya Jaamacada University of Minnesota.

Dr. Mohamed Ibrahim oo taqasuskiisa yahay General Surgery iyo Trauma waxaa uu ka howl galaa haatan cusbitaalo ku yaal agagaarka Minneapolis oo kala ah: Mercy Hospital, Abbott NorthWestern Hospital, iyo Unity Hospital.
Dr. Mohamed Ibrahim iyo xaaskiisa Ubah Jama waxay leeyihiin sedex wiil Zakaria, Hamza, Hashim, iyo gabadhooda yar Samira.
163` have viewed this post so far