Arbsiyo:- Camuudnews-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Ayaa, Maanta Si Rasmi Ah Ugu Wareejisay Inay Maal Galiso Hayada Wuoldvistoin MCH-Ka Degmada Arabsiyo Ee Gobolka Gabiley Oo Hore Aan U Haysan Taakulo Hayadeed , Kaasi Oo Wasiirka Wasaarada Caafimaadku U Gartay Hay,Ada Wouldvistoin Inay Lawareegto Gacan Ku Hayintiisa.
Munaasibad Balaadhan Oo Maanta Lagu Qabtay Degmada Arabsiyo Ayaa, Waxaa Kasoo Qayb Galay Isu Duwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Maroodi Jeex Dr Sayid Ismaaciil Xasan ,Masuuliyiin Sare Oo Ka Socday Hay,Ada Wuoldvistoin Iyo Wasaarada Caafimaadka Gudida Caafimaadka Degmada Arabsiyo Maamulka MCH Ka Arabsiyo Shaqaalaha Iyo Madaxa Caafimaadka Ee Hay,Ada Would Vistoin.
Ugu Horay Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax , Ayaa Ka Waramay Xaalada MCH Ka Magaalada Iyo Mar Xaladihii Kale Duwanaa Ee Uu Soo Maray Waxaanu Sheegay In MCH-Kani Uu Duruufo Faro Badan Soo Maray Sidoo Kalena Sheegay Inuu Aad Ugu Mahad Celinayo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xuseen Xoog Oo Uu Sheegay Inuu Ka Aqbalay Cabasho Uu Usoo Gudbiyey Hayaduna Ay Sidaasi Ku Timiday.
Isuduwaha Wasaarada Caafimaadka Ee Gobolka Maroodi Jeex Dr Sayid Ismaaciil Xasan Oo Halkaasi Ka Hadalay Ayaa Sheegay In Wasaarad Ahaan Markii Ay Arkeen Baahida Taalada Arabsiyo Uu Wasiirka Caafimaadka Ee Somaliland Mudane Xuseen Xoog Uu Amar Ku Bixiyey In Hay,Ada Wuoldvistoin Ay Lawareegto Masuuliyada Dhaqaale Ee Mchka Arabsiyo.
Sidoo Kale Waxaa Munaasibadaasi Ka Hadlay Xidhiidhiyaha Daryeerlka Aas Aasigaa Ee Gobolka Maroodijeex C/Raxmaan Ibraahim Qaalib Isaga Oo Xusay Inaanu MCH-Ka Arabsiyo Wax Caawimooyin Ah Ka Heli Jirin Hay,Adaha Caalamigaa Balse Uu Maanta Wixii Ka Dambeeya Ka Helidoono Iyadoo Ay Ka Caawin Doonto Hay,Ada Wuoldvistoin.
Waxaa Iyaduna Munaasibadaasi Ka Hadashay Gudoomiyaha MCH-Ka Arabsiyo Oo Aad Ugu Mahad Naqday Hay,Ada Wuoldvistoin Iyo Wasaarda Caafimaadka Ee Soomaliland Sidoo Kalena Xustay Inay Hay,Ada Wuoldvistoin Hore Usoo Gaadhsiisay Daawooyin MCH-Ka Arabsiyo.
Cabdinaaasir Xasan Oo Kamida Hay,Ada Wuoldvistoin Ayaa Isaguna Xusay Inay Fulinayaan Amar Kasoo Baxay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Mudane Xuseen Xoog, Isaga Oo Dadwaynaha Reer Arabsiyoodna Ugu Baaqay Inay Si Fiican Ula Shaqeeyaan Hay,Ada Wuoldvistoin.
Gebagabadii Munaasibadaasi Ayaa Waxaa Isaguna Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Mid Kamida Qurbajoogta Reer Arabsiyood Isaga Oo Xusay Bahiyaha Ka Taagan Degmeda Arabsiyo Gaar Ahaan Xarunta MCH-Ka Arabsiyo Oo Uu Sheegay Inaanu Lahayn Wax Gaadiid Ah Oo Laagu Adeego
22` have viewed this post so far