Muqdisho:-Camuudnews-Raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta sheegay in uu u taagan yahay xilka madaxtinnimo ee dalka Soomaaliya, iyadoo xafladda ku dhawaaqistiisa ay saaka ka dhaceyso Muqdisho.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in raysul wasaaraha uu ka qeyb galayo doorashada madaxtinnimo ee 2012, iyadoo ku dhawaaqiddiisa lagu soo beegay sanad-guuradii koowaad markii al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho.
Dr. Cabdiweli ayaa raysul wasaare soo hayay halkii sano ee la soo dhaafay, waxayna xukuumaddiisa ku guuleysatay in la ansixiyo dastuur cusub oo Soomaaliya ay yeelatay.
Waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in qorshaha raysul wasaaraha uu markii hore ahaa in uu ku noqdo qoyskiisa marka uu dhammaado xilligiisa.
Hasa yeeshee wuxuu sheegay in caddaadis uga yimid gudaha iyo dibedda kaddib uu go’aansaday in uu u hoggaansamo baaqyadaas, uuna sii wado in uu u shaqeeyo dalka si uu u dhammeystiro mashruuca soo billowday 23-kii July, 2011.
Toddobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa si aad ah u soo badanayay musharraxiinta doonaya inay u tartamayaan xilka madaxtinnimada ee Soomaaliya marka la gaaro 20-ka bisha August oo lagu wado inay dhacdo doorasho
13` have viewed this post so far