Home » CAMUUD NEWS DAILY LIVE UPDATES » Guddoomiyaha SSC Xaglo Toosiye Oo Lagu Wado In Uu Hargeysa Soo Gaadho Iyo Khudbadii Uu Ka Horjeediyey Masuuliyiintii Dowalada Somaliland
Raadi Wararkii Ku Dhaafay

Guddoomiyaha SSC Xaglo Toosiye Oo Lagu Wado In Uu Hargeysa Soo Gaadho Iyo Khudbadii Uu Ka Horjeediyey Masuuliyiintii Dowalada Somaliland

Burco:-Camuudnews- Gudoomiyaha Kooxda SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), wefti uu hogaaminayo isla-markaana ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa galabta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Burco, ka dib markii ay maanta ka soo kicitimeen Magaaladda Oog isla-markaana ay socdaal ku soo mareen Degmada Caynaba oo Munaasibad loogu qabtay.

Weftiga Xukuumadda iyo Saleebaan Xaglo-toosiye oo ku Afuray Magaaladda Burco ayaa la filayaa inay Maalinta beri ah soo gaadhaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu Xaglo-toosiye kulan kula yeelan doono Madaxwayne Siilaanyo.

Hogaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa khudbad nabadeed ka jeediyay Magaaladda Caynaba, ka hor intii aanay soo gaadhin Burco, waxaanu khudbadaasi ku sheegay ssida ay diyaarka ugu yihiin nabadgalyo buuxda oo ka hirgasha deegaanada Buuhoodle iyo Sool.

Khudbada Xaglo-toosiye ayaa u dhacday sidan “Waxaanu u nimid nabadgalyo, waxaanu hore u wada hadalnay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo anaga oo Imaaraadka joogna, waxaanuna isku afgaranay oo aanu isla qaadanay in Nabadgalyada laga wada shaqeeyo, waxaanu u nimid wada hadalkii halkaasi ka dhacay dhamaystirkiisii, ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa inuu guul ku dhamaado”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Nabad wax ka wanaagsani ma jiraan, nabad la’aani waa nolol la’aan, waxa kale oo aynu ognahay in nabadu u baahan tahay ku dhiirasho oo ay u baahan tahay in la isla garabsado, waxaanu diyaar u nahay inaanu xal nabadeed ku doono dhibaatooyinka jira, xabad dambana aanay dhicin, qof dambana aanu ku dhiman deegaanadaasi.”

Xaglo-toosiye waxa kale oo uu soo qaaday “Waxa laga yaabaa inay dad badan iswaydiiyaan maxaa hadda keenay…isbadalkaa keenay, mar haddii Faysal (Faysal Cali Warabe) la hadlayo Wallo-weyntii uu sheegayay anigana wax iga hor istaagaya inaan Somaliland iyo reer Caynaba la hadlo ma jiraan, iinsha Alaahu waynu wada hadlay oo waynu isafgaranaynaa, inaanu dedejino oo aanu ku dhakhsano nabadana waanu isku dayeynaa”ayuu yidhi waxaanu intaasi sii raaciyey “Waxaanu isku dayeynaa inaanu nabad buuxda celino, in nabadii, is-dhexgalkii, is-dhex markii dadkan ehelka ee aan kala maarmayn la soo celiyo ILAAHAYNA wuu noo fududayn doonaa”

Hogaamiyaha SSC waxa kale oo uu ka hadlay “Ajandayaashana midbaanu hadda ku daraynaayoo Caynabo sidii aanu ugu soo noqon lahayn, markaa qolyihiina reer Caynaba iska sii diyaariya halkii aanu ka deggi lahayn

Camuudnews Desk.

20` have viewed this post so far