Home » CAMUUD NEWS DAILY LIVE UPDATES » Kulan Qurba Joogta Reer Awdal Iyo Qol-Qol Joogta+ Tuhunka Maamulka Gobolka + Sawiro
Raadi Wararkii Ku Dhaafay

Kulan Qurba Joogta Reer Awdal Iyo Qol-Qol Joogta+ Tuhunka Maamulka Gobolka + Sawiro

Borama:-Camuudnews- Madal si hee sare loo soo agaasimay oo ay caawa lagu qabtay Hotel Rays oo ay iskugu yimaadeen Qurba jooga Gobolad a Awdal , Salel iyo Gabiley iyo Qoloqol Jooga , waxaana kulankani qabtay Qurba joogta oo ugu talo galay in ay isku waraystaan dadwaynaha ku dhaqan guduha , u jeedkiisuna waxa u ahaa sidii looga wada qayb qaadan lahaa horumarka ka socda goboladan ,

Madashan oo caawa guud ahaanba hadhaysay tuhun aad u xoogani oo laga qabatay quba joogta ,waxana halkaasi la soo dhoobay ciidan aad u tiiro badan oo iayagu ku sugnaa banaanka Hotel Rays waxana guduha ku sugnaa sirdoonka gobolka iyo madaxda taliyaasha ciidanka Booliska , oo iyagu si aad uga shikisanaa waxa halkaasi lagu soo qaadi dooni ,waxana ay xukuumadu geed dhee iyyo geed gaaban u fuushay sidii uuna shirkaasi u qabsoomi lahayn , wada hadal dhee iyo wan waan socotay tani saaka ayaa lagu shiki bixiyay xukuumadu tuhunkii ay qabtay ee ahaa in meesha wax ale ka socdo taaso oo ay fidiyiin dad warxumo tashiil ah oo iaygu rabay inay mansab ku helaan .

waxaana halkaasi ugu horayn ka ahdlay gudoomiye ku xigeenka goloaha deegaanka degmada Boama Maxamed Muxumed (Dheerayste) oo ka sheekeeyay intii ay joogeen wax yaabihii horumar ahaa ee ay ku talaabsadeen , waxan uu ugu baaqay Qurba joogta Reer Awdal inay ka qayb qaataan Horumarka ka socda Gobolada iyo in ay soo maal gashadaan wadanka sida qurba goojta reer wadanka intiise kale ,

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Mohamed A/laahi Obsiiye oo ka mid ah qurba joogta Reer Awdal ee ku nool mandiqada caabta waxan uu ka warbixiyay horumaka baaxada leh ee ay k utalaabsadeen Gobolada Awdal iyo salal ,waxana uu hoosta ka xariiqay in ay jiaan dhaliilo aad u badani oo ah xaga maamulka siiba xaga xeebaha oo u usheegay in socdaal ku sooo maray dhawaan loona baahanyahay in ay xukumadu wax ka qato ,

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Sheekh Hassan Daheeye oo ku dheeraaday in ay qurba joogtu kaalin  mug leh ka qaataan waxa wadanka ka socda kuna booriayay in ay dadku wax soo saataan siiba beeralaydu ,

Waxaa isna halkaasi hadal ad u dheer ka jeediay Ahmed-wali oo ka mid ahaa qurba joogta Ka socotay wadanka Sweden waxana u uhadalkiisii ku bilaabay in ay dadwaynaha reer Somaliland ay wada dhisteen aqal Quuxbadan halka wadankii somalia la odhan jiay iyagu ay iska dunsheen , waxan uu sheegay in aqalkaasi reer awdal iyagu dhidibada  u taageen saqafka sarena ay saaraan bal uu aqalkaasi nin waash maan ahi ka horjoogsaday oo uu yidhi galimaysaan inagu waxaad tihiin dad wanaasgan intaasaa inigu filan , balse lo baahnayahay in wax lawada qaybsado oo si isku mid ah loo wada sinaado ,

Hadal aad loogu sacabtumay waxaa halkaasi ka jeeday Foosi A/rahmaan warfaa oo isagu ku dheeraaday dhaliisha uu leeyahay maamulka Somaliland oo u ku tilmaaay in ay iyagu waxii isku filnaysiiyeen balse reer awdal ay ka qatanyihiin loona baahnayahay in xaqooda ay doontaan oo ayna cidna u daba fadhiisan taasina ay u baahanatahay in ay umadu isku duubnaato , waxaa kale uu ka hadlay foosi in maanta ay ka haystaan boosaska ugu fiican gobolka awdal shaqaale iaygu ka yimid gobolada kale kana socdaan beesha dhexed ay joogaan sida Cashuuraha bariga Khashtanka , Baanka iyo xisaabiyaha Gobolka ay dhamaantood yihiin Beesha Dhexe ,halka ay dhalintii ka so baxday jaamcaduhu ay shaqo laayihiin amaba badaha isku gurayaan ,

Waxaa kale oo isna halkaasi ka hadlay Omar Ismaaciil Sheekh oo sheegay in ay dadwahanaha ee awdal ay qabsadeen wax lagu faxo sida jaamacadaha ,Cisbitaalada iyo wadooyinka , Balse ay jiraan cadaalad dao aad u xumi oo ay ku kacday beesha dhexe oo iyadu waxii isku qaadatay ree awdalna siiyay cad quudheed uuna maanta ka hadli karin ninka kujia xukuumada ee mala dadyawga reer Awdal balse uu yahay nin shaqo tagay oo shaqadiisaa yar ilaashanaaya ,waxana uu sheegay in loo baahanyahay in dadku gacmaha is qabsadaan oo ay xqooda doontaan ,

Waxaa isagu halkaasi kulankii soo gabogabeeyay duqa Degmada Boram Saleebaan Hassan Haddi oo isagu sheegay in uu aad ug umahadcalino quba joogta soo abaaushay kulankani oo si gaara u tilmaamay Foosi iyo Omer oo sheegay in lagaga daydo waxii wanaagsanaa ee ay sheegeen balse aan la odhan wax xunbay wadaan waayo inagu kuma dhex jirno calooshooda balse waxa ay nu arkaynaa waxa ay inoo sheegen

Isku soo wada duuboo kulanka caawa oo ay hadhaysay tuhun aad u xoogan oo ay ka qabtay xukuumadu oo la soo dul dhoobay ciidan aad u tiro badan iyo sidoon ciida ka badan oo iyagu fadhiyay madasha shirku ka socday oo ahayd Hotel rays iyo madaxda taliyaasha ciidamada gobolka ,

48

49

49 50 51 3 52 4 5 9 8 7 6 10 11 12 13 17 16 15 14 22 20 19 18 23 24 25 26 30 29 28 27 31 32 33 34 38 37 36 35 39 40 41 42 43 44 45 46 47 1 2

Reporter Albashiir

Borama

571` have viewed this post so far

U Jawaab Celi